05/01/2024
Fadliga Maalinta Jimcaha Nebiga SCW wuxuu yiri: "Maalmihiiina waxa ugu fadli badan maalinta jimcaha, badiya saligayga, saliga aad igu salisaan waa la iisoo bandhigayaa". Sidoo kale Suubahana NNKH wuxuu kaloo yiri: "Qofkii akhriya Suurada Kahaf maalinta jimcaha ilaahey wuu ifiyaa inta u dhaxaysa laba jimce" Nabiga صَلَّى الله عليه وسلم wuxuu yiri: "Maalin ay qorraxi soo baxdo waxaa u kheyr badanmaalinta jimce, waayo waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalinta jannada la geliyay,waana maalintii janada laga soo bixiyey, qiyaamaduna dhici mayso maalinaan jimco aheyn". *Sunooyinka Jimcaha* 1. inaad qubaysato dharka midka ugu qurxoon aad xirato 2. Cidiyaha iska jarto 3. Aqri suuratul kahfi 4. Masaajidka xilli h**e aad tagto 5. in la badiyo saliga nabiga "SCW" Aynu kaga faa'iidaysanno fadliga jimcahan Badinta Saliga Nabiga📿 ﷺ iyo akhrinta Suuratul Kahaf