23/05/2012
SHEEKO QOSOL BADAN OO DHEXMARTEY MUSE SUUDI IYO PROFF SAMATAR!!!!!!!!!
Sheeko dhawaan Muqdisho ku dhex markay Gudoomiyaha Xisbiga Hiil Qaran: Prof. Axmed Cismaaciil Samatar, iyo Muuse Suudi Yalaxoow, Sheekadii waxey u dhacday Sidan:
Dhawaan waxa Muqdisho gaaray gudoomiyaha Ururka Hiil Qaran Pro: Samatar iyo xubno badan oo ururkaas ka mida, hasa yeeshe Muuse Suudi Yalaxow ayaa Hotel Saxaafi ku arkay Prof Ahmed Ismaaciil Samatar oo ku casuumay inuu kala qeybgalo shirar uu ku qabanayay Hotelka, markaas ayuu Muuse Suudi Samatar waydiiyay::” muxuu ku saabsan yahay Shirka? Adigasa yaad tahay?
Muxuu ujeedkaagu yahay? Ka dibna wuxuu Samatar u sheegay inuu yahay Prof wax ka dhiga Jaamacad ku taal Mareykanka, sidoo kalena uu doonayo inuu isu sharaxo Madaxweynenimada Somalia.
Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku yiri waa Mahadsan tahay laakiin aan is baranee qabiilkaada yaa waaye? Wuxuu ugu jawaabay Prof Samatar, waxaan ahay Gadabuursi?
Wuxuu Muuse ku yiri “ Gadabuursi walee maaha qabiilka dega Borama, Saylac, Lughaye iyo Gabileey? Markaas ayuu Prof Samatar ugu jawaabay Haa Dhulkaas oo dhan ayaan degnaa!
Wuxuu Muuse Suudi ku yiri, Borama Garoon ma leeyahay? Wuxuu ugu Jawaabay Maya malaha!
Yalaxow oo hadalkiisa sii wata ayaa ku yiri Dekadaha Saylac iyo Lughaye ma shaqeeyaan? Wuxuu ku jawaabay Prof Samatar maya ma shaqeeyaan!
Wuxuu Muuse Yalaxoow u sii raaciyay, Degaankaaga iyo dadkaaga goormee kuugu dambeysay? Wuxuu ku jawaabay Ahmed Ismaaciil Samatar, Labaatan sano iyo ka badan?
Wuxuu Muuse ku yiri HADA MA TAGI KARTAA AWDAL IYO MAHAAD KU DHALATAY? Wuxuu ku jawaabay Maya!!
Wuxuu Muuse u raaciyay, Maxaa u sababa? Wuxuu yiri malahan Garoon diyaaradeed, waxaana dhulkaas heysto Isaaq oo aan qadiyada isku diidanahay!
Muuse Suudi Yalaxoow ayaa yaabay!!! Wuxuu yiri, Ahmed Ismaaciil Samataroow ma waxaad I leedahay Madaxweynaha Somalia ayaan rabaa, meeshaan ku dhashayna ma tegi karo, Garoon aan ka degana ma dhisan karo, dadkeeygana labaatan sano ka badan ma arkin?
Prof Samatar oo wejigiisa isbedelay ayaa yiri Muuse aniga nin aqoonleh baan ahay qabiil maahi”
Muuse ayaa qoslay oo yiri “Eebow xeey tahay aqoontaad heeysato”?
Samatar ayaa ugu jawaabay waxaan heystaa derajada ugu sareeyso Cilmiga ee PHD!
Muuse oo qoslaa ayaa ku gaabsaday Cilmiga qofoow galoow u baahan yahay, aniguse waxaan leeyahay PHD mineey saas tahay, PHD XAAL QAADO?
Prof Samatar oo yara careeysan ayaa ku yiri, Muuse ma waxaad rabtaa inaad iga dhigtid dagaal ooge sida adiga?
Muuse Suudi Yalaxow oo qoslaa ayaa ku yiri “AREEY minaad wax qaban kartid dadkaada u qabo, Mugaad Boorame garoon u dhisto, Saylac dakaddeeda furto, iiga sheekeey aqoontaada , HADII KALE Ha is wareerin, taasi aqoon maaha xambadna kugu tari meyso, ee ANAA KULA YAABEE, UMADA KALE YEEY KULA YAABINE, Ilmahaaga iska korso, SOMALI XABAD UMA QABAN KARTIDE.
Hadalkaas Muuse Suudi Yalaxow, wuxuu dhegaha Prof Ahmed Ismaaciil Samatar ku dhacay waxyar kadib markii Prof. Cali Khaliif Galeydh ku yiri “Ilma Samataroow waxaad tihiin Dalanbaabi aan dadkooda taageero ka heysan. ee markaad taageero ka heshaan ragga la sheekeeysta.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka xanaaqay hadalka Prof Galeydh ayaa bilaabay inuu caayo Khaatuma State hasse yeeshee Prof Galeydh wuxuu ku adkeeysanayaa inuu Somalia waxba ka noqon Karin qof aan dadkiisa iyo degaankiisa dhibka la wadaagin.